HomeWararFaah faahin:- dagaal ka dhacay Magaalada Cadaado

Faah faahin:- dagaal ka dhacay Magaalada Cadaado

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Faah fahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay afafka hore ee Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Cadaado. Iska hor imaad kooban ayaa dhexmaray sida wararku sheegayaan ciidanka Nabad sugidda iyo Ciidan Malleyshiyo beeled ah oo hubeysan, kuwaasi oo weerar kusoo qaaday Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ee ku sugan Cadaado, waxaana jira […]

- Advertisement -

Faah fahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay afafka hore ee Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Cadaado.

Iska hor imaad kooban ayaa dhexmaray sida wararku sheegayaan ciidanka Nabad sugidda iyo Ciidan Malleyshiyo beeled ah oo hubeysan, kuwaasi oo weerar kusoo qaaday Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ee ku sugan Cadaado, waxaana jira warar kala duwan oo kasoo baxaya khasdaaraha ka dhashay iska hor-imaadkaasi kooban.

- Advertisement -

Wararku waxaa ay sheegayan in laba qof ay ku dhaawacmeen oo mid ka mid ahi uu yahay shacab, halka ruuxa kale ee dhaawacmay uu ka tirsanaa dhinacyada dagaaalmay, waxaana wararku intaas ku darayaan in laga yaabo in khasaaruhu uu intaa ka badan yahay.

Wali mas’uuliyiinta Nabad sugiddu kama hadlin iska hor imaadka, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay  maamulka Cadaado oo ku aaddan dagaalka kooban ee la sheegay in uu dhexmaray Ciidanka Nabad Sugidda iyo Malleyshiyaadka hubeysan.

Wararkii u dambeeyay ayaa ku warramaya in hadda magaaladu ay daggan tahay aysana jirin wax dagaal ah oo ka socda, waxaana dadka degaanka ay soo sheegayaan in xaaladdu ay sidii hore kusoo laabatay oo aysan jirin wax dagaal ah.

- Advertisement -

Ma cadda waxa sababay in Ciidanka u abaabulan hab beeleedka ay weeraraan Ciidanka Nabad Sugidda, waxaana ilaa iyo hadda aan lahayn saababta rasmiga ah ee ka dambeysay in iska hor imaadkaasi uu dhaco.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories