HomeCaalamkaDhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga oo Dacwad laga gudbiyay

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga oo Dacwad laga gudbiyay

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Haweeneeydi uu ka dhintay saxafigi la dilay Jamal Khashoggi, iyo koox u doodda xuquuqda aadanaha oo uu isaga aas-aasay ayaa Talaadadi shalay maxkamad ku taalla dalkaan Mareykanka u gudbiyay, dacwad ka dhan ah dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Dacwaddaan oo loo gudbiyay maxkamad rayid ah oo ku taalla magaalada Washington D.C, ayay Khadija Cengiz iyo kooxda Xuquuqda Aadanaha ee Arab World Nowku eedeyneysa Maxamad Bin Salman, inuu amray dilka wariye Jamal Kashikji, waxaa sidoo kale maxkamadda laga dacweeyay in ka badan 20 muwaadin oo u dhashay Sacuudiga oo dilka loo heysto.

- Advertisement -

Safaaradda Sacudiga ayaanan wali ka jawaabin dacwadda laga gudbiyay dhaxalsugaha boqortooyada Maxamed Bin Salman. Amiir Maxamed oo loo soo gaabiyo MBS ayaa beeniyay inuu ka danbeeyay dilki lagu khaarijiyay saxafiga u dhashay Sacuudiga Jamal Kashikji, labadi bishii October ee sannadki 2018-ki.

Kashikji oo deganaa gobolka Virginia, ayaa maqaallo uu ku dhaliili jiray siyaasadda Maxamed Bin Salman ku daabici jiray, wargeyska Washington Post ee kasoo baxa caasimadda Mareykanka ee Washington D.C.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories