HomeWararGalmudug oo Maanta soo Bandhigtay Nin fal kufsi ah geystay

Galmudug oo Maanta soo Bandhigtay Nin fal kufsi ah geystay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ciidanka Booliska Magaalada Cadaado ayaa gacanta ku dhigay Nin la sheegay in uu Kufsi ka gaystay Puntland, kaasi oo baxsad ahaan kusoo galay Galmudug. Booliska ayaa warbaahinta usoo Bandhigay Ninka la sheegay in fal kufsi ah ka gaystay Degaanada Maamul Goboleedka Puntland, waxaana lagu soo Bandhigay Saldhigga Booslika Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. magaciisa ayay […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska Magaalada Cadaado ayaa gacanta ku dhigay Nin la sheegay in uu Kufsi ka gaystay Puntland, kaasi oo baxsad ahaan kusoo galay Galmudug.

Booliska ayaa warbaahinta usoo Bandhigay Ninka la sheegay in fal kufsi ah ka gaystay Degaanada Maamul Goboleedka Puntland, waxaana lagu soo Bandhigay Saldhigga Booslika Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

- Advertisement -

magaciisa ayay Boolisku ku sheegeen Axmed Xuseen Cabdi Aadan, kaasi oo lagu eedeeyay in uu kufsi ka gaystay degaanada Puntland, isagoo laamaha ammaanku ay sheegeen in uu Kufsaday Gabar lagu magacaabo Najmo, waxaana falka Kufsiga ahi uu si gaar ah uga dhacay magaalada Gaalkacyo Qaybta Maamulka Puntland.

Cali maxamed xasan  Taliyaha Booliska Degmada Cadaado oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gacanta u galin doonaan eedeysanaha Booliska Puntland, waxaaana uu intaas ku daray Taliyuhu in ay soo qabashada Ninka iyo Xogtiisa ay ka caawiyeen Booliska Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in Booliska Gaalkacyo ay sharciga Ninkaasi soo taagi doonaan, maaddaama degaankooda uu falku ka dhacay, ayna kiiska la xariira Kufsiga ay gacanta ku hayaan.

Booliska Cadaado ayuu Taliye Cali maxamed Xasan u mahad celiyay, waxaana uu sheegay in ay xil weyn iska saareen sidii ay gacqanta ugu soo dhigi lahaayeen eedeysanaha u soo baxsaday degaanada Galmudug.

- Advertisement -

Inta badan falal dambiyeedyada ka dhaca degaanada Puntland ayaa dadka ku lugta leh waxaa ay usoo baxsadaan degaanada Galmudug iyo meelaha kale ee ay gabbaadka ka dhigan karaan, waxaana horay gacanta loogu soo dhigay dad falal dil iyo dhac isugu jira gaystay, kuwaas oo ku dhuumaalaysanayay Degaanada Galmudug.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories