HomeWararBankiga Aduunka oo shuruudo adeg ku xiray maalgelinta mashruuca xasaradaha Somalia

Bankiga Aduunka oo shuruudo adeg ku xiray maalgelinta mashruuca xasaradaha Somalia

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Shirkaan  wadatshiga oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaraddaha Qorsheynta Qaranka iyo maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo  xoogga lagu saarayo  sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, fatahaadaha, ayaxa iyo Cudurka covid-19, ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya Bankiga adduunka. Mas’uuliyiin ka socday wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Hirshabeele, Agaasimiha guud, agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha ayaa goob joog […]

- Advertisement -

Shirkaan  wadatshiga oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaraddaha Qorsheynta Qaranka iyo maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo  xoogga lagu saarayo  sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, fatahaadaha, ayaxa iyo Cudurka covid-19, ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya Bankiga adduunka.

Mas’uuliyiin ka socday wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Hirshabeele, Agaasimiha guud, agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha ayaa goob joog ka ahaa, waxaana shirkaan wadatashiga uu socondoonaa muddo saddex maalmood.

- Advertisement -

Agaasimaha wasaaradda qorsheynta maamulka Hirshbeele  Cabdulaahi Maxamed Xasan  (Dhagacade) oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan dib loogu eegayo dhibaatooyinkii la soo maray oo ay ka mid ahaayeen daadadka, Abaaraha, Ayaxa iyo cudurka covid-19 oo halakeeyay dunida intiisa kale,maamul ahaana diyaar u yahiin hanaanka wax looga qabanayo in ay xoogga saaran.

Asad yuusuf Qanyare oo ah madaxa xiriiraha qaran  ee  deeqa caalamiga ah  ee wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka ayaa sheegay inuu shirka ujeedkiisu uu yahay sidii looga hortegi lahaa xasaradaha soo noq noqday ee abaaraha, dadaadka, ayaxa iyo cudurka covid-19. Diyaarinta mashruucan waxaa lagala tashaday wasaaradaha ay quseeyso heer fedaraal iyo heer dawlad goboleed.

Wasaaradaha maaliyadda iyo qorsheynta heer federaal waxa ay in muddo ah ka shaqeeynayeen qaabdhismeedka lagu hirgelinayo mashruuca iyo shaqaaleynsiinta howl-wadeenada mashruucan; waxaa jiray shuruudo adag oo uu bankiga aduunku ku xiran maalgelinta mashruucan oo ay lagama maarmaan tahay in lafuliyo si loo soo daayo lacagaha. waxaa ka mid ah diyaarinta dokumeentiga mashruuca, sharciga, heshiiska maalgelinta iyo diyaarinta howlwadeenada laf dhabarka u ah mashruuca.

- Advertisement -

– Qaab dhismeedka maamulka mashruucu waxa uu ka kooban yahay saddex heer oo kala ah;

– Guddiga hoggaaminta mashruuca (psc)

– Unugga fulinta mashruuca (piu)

– Gawl-wadeenada maamulka mashruuca ee heer dowlad goboleedka. (spt).

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories