HomeWararBanaanbax looga soo horjeedo dhismaha Hirshabeelle oo Maanta dhacay

Banaanbax looga soo horjeedo dhismaha Hirshabeelle oo Maanta dhacay

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Waxaa Maanta degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo hanaanka loo marayo dhismaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Dad isugu jiray dhalinyaro, Haween iyo Odayaal dhaqmeedyo ayaa barqanimadii Maanta isugu soo baxay bartamaha Jalalaqsi, iyagoona sheegay inay siweyn uga soo horjeedan qorshaha la doonayo in lagu dhiso Hirshabeelle, xili […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo hanaanka loo marayo dhismaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Dad isugu jiray dhalinyaro, Haween iyo Odayaal dhaqmeedyo ayaa barqanimadii Maanta isugu soo baxay bartamaha Jalalaqsi, iyagoona sheegay inay siweyn uga soo horjeedan qorshaha la doonayo in lagu dhiso Hirshabeelle, xili ololaha Doorashada socdaan.

- Advertisement -

Qaar kamid ah dadkii dhigayay Banaanbaxa oo warbaahinta la hadlay ayaa dalbaday in la dhiso Hirshabeelle loo dhan yahay, isla markaana Maamulka uu noqday lagu wada qanacsan tahay, lana ilaaliyo awood qeybsiga.

Magaalooyin kale oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la filayaa in lagu qabto banaanbaxyo kale oo looga soo horjeedo dhismaha cusub ee maamul Goboleedka Hirshabelle oo qorshahu lagu dhisayo Maamulka uu ka socdo Magaalada Jowhar.

Jowhar ayaa waxaa ku sugan qaar kamid ah Odayaasha soo xulada Baarlamaanka labaad ee Maamulka, sidoo kalena waxaa gaaray Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, kuwaasi oo ka qeyb noqonaya sii loo sii amba qaadi lahaa dhismaha Maamulka Hirshabeelle.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories