HomeWararBaarlamaanka Galmudug oo ansixiyay sharci muhiim ah oo la horgeeyay

Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay sharci muhiim ah oo la horgeeyay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaas ku yeeshay mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa. Kulanka ayaa waxaa shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, waxaana Ajendihisu ahaa ansixinta Hindise Sharciyeedka dhismaha Ciidamada Booliiska Galmudug oo ay soo gudbisay Wasaaradda amniga maamulkaas. Xildhibaanada Galmudug ayaa dood dheer […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaas ku yeeshay mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, waxaana Ajendihisu ahaa ansixinta Hindise Sharciyeedka dhismaha Ciidamada Booliiska Galmudug oo ay soo gudbisay Wasaaradda amniga maamulkaas.

- Advertisement -

Xildhibaanada Galmudug ayaa dood dheer kadib ansixiyay Hindise Sharciyeedka dhismaha Ciidamada Booliiska Maamulka, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa inta badan Xildhibaanada iyo Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa Guddoomiyaha, Guddiga Amniga iyo Xuduudaha iyo Xildhibaanada Barlamaanka Galmudug uga mahadceliyay sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen sharciga oo wasaaraddiisu Baarlmaanka u gudbisay 13-kii bishaan Oktoober 2020.

“In la helo sharciga Booliska Galmudug oo ay wasaaraddu Barlmaanka u gudbisay 13 Oktoobar 2020, Waa guul u soo hoyatay reer Galmudug waana bilowga dhisamaha ciidamada Amniga Galmudug oo ku dhisma qaab sharci ah. Waxay sidoo kale wasaaraddu u mahadcelinaysaa xeeldheerayaashii ka soo shaqeeyey sharcigan iyo madaxweynaha Galmudug oo kaalin muuqata ka qaatay” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories