HomeWararSomaliland oo Go’aan kasoo saartay dadka ka tega Muqdisho ee shirarka uga...

Somaliland oo Go’aan kasoo saartay dadka ka tega Muqdisho ee shirarka uga qeyb gala deegaanadeeda

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Maamulka Somaliland ayaa deegaanadooda ka mamnuucay in dadka ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya in aysan shirar iyo siminaarro uga qeyb gelin karin gudaha Somaliland. Xukuuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Bixii sheegtay in marnaba aan la aqbali doonin in dadka ka socda Somaliland ay shirar iyo  siminaarro u yimaadan Magaalada Muqdisho. “Dhammaan kulamada, […]

- Advertisement -

Maamulka Somaliland ayaa deegaanadooda ka mamnuucay in dadka ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya in aysan shirar iyo siminaarro uga qeyb gelin karin gudaha Somaliland.

Xukuuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Bixii sheegtay in marnaba aan la aqbali doonin in dadka ka socda Somaliland ay shirar iyo  siminaarro u yimaadan Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

“Dhammaan kulamada, Siminaarrada, shirarka iyo Kulamo kasta oo Dadka u dhashay Soomaaliya lagu keenayo Sonaliland lama ogola” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Somaliland.

Sidoo kale Maamulka ayaa dhammaan Urrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland ku amartay in aysan ka qeyb geli karin  shirar iyo siminaarro lagu qabto Magaalada Muqdishio iyo deegaana kale ee dalka.

“Dhammaan Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland looma ogola inay ka qayb-galaan kulamada lagu qabto Soomaaliya” ayaa lasii raaciyay Qoraalka kasoo baxay Somaliland.

- Advertisement -

Si kastaba Somaliland ayaa horey u xirtay dad isugu jiray Mas’uuliyiin, Ganacsato, Fanaaniin ka tegay Muqdisho oo socdaal ku gaaray Magaalada Hargeysa, iyagoona haatan mamnuucday dadka ka tega Muqdisho ee shirarka u aada deegaanadeeda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories