HomeWararPuntland oo Amar kasoo saartay Xarumaha Qur’aan saarka/Cilaajka

Puntland oo Amar kasoo saartay Xarumaha Qur’aan saarka/Cilaajka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa mamnuucday in deegaanadeeda aan laga furan karin Xarumaha Qur’aan saarka ama Cilaajka ee dadka looga Quraan saaro Jinka, Isha, Sixirka iyo Cuduro kale. Qoraal kasoo baxay Xafiisaka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaalada Diinta dhaqan-celinta Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa lagu sheegay in deegaanada Maamulka aan laga furan karin Xarumaha Cilaajka, xili Magaalada […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa mamnuucday in deegaanadeeda aan laga furan karin Xarumaha Qur’aan saarka ama Cilaajka ee dadka looga Quraan saaro Jinka, Isha, Sixirka iyo Cuduro kale.

Qoraal kasoo baxay Xafiisaka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaalada Diinta dhaqan-celinta Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa lagu sheegay in deegaanada Maamulka aan laga furan karin Xarumaha Cilaajka, xili Magaalada Garoowe ay gaareen wadaado kala duwan.

- Advertisement -

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda Cadaalada ayaa lagu xusay ilaa iyo inta saxayo habsami u socdka shaqooyinka ay qabtaan Xarumaha Cilaajka aan deegaanada Puntland laga furan karin.

Ugu dambeyn Maamulka Puntland ayaa caddeeyay in ciddii ka dhaga adeegta amarka lasoo saaray laga qaado doono tallaabo sharciga waafaqsan, waxaana Wasaaradda  Cadaalada ay rajeysay in amarkaas la fulin doono.

Maalmo kahor ayaa waxaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal gaaray wadaadka lagu magacaabo Rusheeye Yare oo aad loogu yaqaano Arrimaha Cilaajinta, isagoona Magaalada Muqdisho ku leh Xarun weyn oo dadka lagu aaso Qur’aanka.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Cadaalada Puntland.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories