HomeWararDEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Jugta qarax xoogan ayaa daqiiqado kahor oo Caawa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay agagaarka Isgoyska KM-4 ee wadada maka Al-mukarama. Qaraxaas ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana uu sigaar ah uga dhacay wadada aadan dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. […]

- Advertisement -

Jugta qarax xoogan ayaa daqiiqado kahor oo Caawa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay agagaarka Isgoyska KM-4 ee wadada maka Al-mukarama.

Qaraxaas ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana uu sigaar ah uga dhacay wadada aadan dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Dad ku sugnaa meel ku dhow Isgoyska KM-4  ayaa Idaacadda Dalsan u sheegay in qaraxa kadib ay maqleen dhawaqa rasaas xoogan oo fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda oo ku sugnaa Koontarool ku taalla halkaas.

Sidoo kale Ciidamada ayaa gebi ahaan xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegayaa inuu jiro Khasaaro, hayeeshee aan si rasmi ah loo ogeyn, maadaama daqiiqado kahor uu qaraxu ka dhacay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa miinada ahaa lala eegtay gaari uu la socday Mas’uul ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, xili uu wadada marayay, waxaana warar hordhac ah sheegaayan inuu ka badbaaday qaraxaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories