HomeWararDagaal xoogan oo Maanta ka dhacay degaano ka tirsan G/Baay iyo Khasaaro...

Dagaal xoogan oo Maanta ka dhacay degaano ka tirsan G/Baay iyo Khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Dagaal u dhexeeyay u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay deegaano ka tiran Gobolka Baay, waxaana kasoo baxaya faah faahino. Dagaalkaas ayaa bilowday, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaan lagu Mitir oo hoostega degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, waxaana halkaas ka […]

- Advertisement -

Dagaal u dhexeeyay u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay deegaano ka tiran Gobolka Baay, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Dagaalkaas ayaa bilowday, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaan lagu Mitir oo hoostega degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal saacado badan qaatay.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhexnaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, sida ay sheegayaan dadka deegaanka oo maqlayay dhawaqa rasaasta la isdhaafsanayay.

Maamulka degmada Diinsoor iyo Saraakiisha hoggaaminayay Ciidamada ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,  uuna jiro Khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Guddoomiyaha Diinsoor Cabdisalaan Xaaji Siidow ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa KGS ay weerar ku qaadeen deegaan ay ku sugnaayeen Shabaab, uuna dhacay dagaal xoogan.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiye Cabdisalaan Xaaji ayaa sheegay in nolosha ku qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab, sidoo kale gacanta ku dhigeen Meydad dagaalamayaal la dilay, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer dagaalo xoogan waxaa ay ku dhexmareen deegaano ka tirsan Gobolka Baay, kuwaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhinacyada ay kala sheegteen guulo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories