HomeWararAgaasime Koofi oo ka badbaaday Qaraxii Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Agaasime Koofi oo ka badbaaday Qaraxii Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Faah faahino ayaa laga helayaa qarax xoogan oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska KM-4, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir. Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah la geliyay laamiga dhinaciisa, uuna sigaar uga dhacay wadada aadan […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa qarax xoogan oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska KM-4, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah la geliyay laamiga dhinaciisa, uuna sigaar uga dhacay wadada aadan dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

- Advertisement -

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi oo xiligaas mararay wadada, hayeeshee qaraxa uu ka badbaaday Agaasimaha oo saarnaa gaari nooca aan xabada karin.

Laba qof oo shacab ah kana agdhawaa goobta ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka tirro kalena oo isugu jira shacab iyo qaar kamid ah Ilaalada Agaasime Koofi ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Feeraalka oo ku sugnaa Isgoyska KM-4 ayaa wadada xiray, isla markaana waxaa hakad ku jira isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana halkaas gaaray Saraakiil kale oo ka tirsan Booliska dowladda.

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlaayan qaraxaas Caawa uu ka badbaaday Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koonfi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories