HomeWararShir laga yeeshay amniga degaano kala qeybiya Galmudug iyo DDS

Shir laga yeeshay amniga degaano kala qeybiya Galmudug iyo DDS

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Shir guddomiyay Shirka Amniga Galmudug oo ka dhacay Magaalada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud. Shirkaan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaarada Amniga Gudaha Galmudug, isla markaana ay ka qayb galeen Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdiwaayeel, Wasiirka Gargaarka iyo xubno kale oo ka tirsan […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Shir guddomiyay Shirka Amniga Galmudug oo ka dhacay Magaalada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Shirkaan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaarada Amniga Gudaha Galmudug, isla markaana ay ka qayb galeen Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdiwaayeel, Wasiirka Gargaarka iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulkaas.

- Advertisement -

Sido kale waxaa Shirka Goobjoog ka ahaa lamaha Amniga Galmudug oo ay ugu horeeyay Taliyaha Nabadsugida Galmudug, Taliye ku-xigeenka qaybta  21-aad, Taliyaha Booliska qybta Galgaduud Taliyaha Nabadaugida Dagmada Cabudwaaq iyo ku-xigeenkiisa iyo Saraakiil kale .

Shirkaan ayaa waxaa diraada lagu saarayay amniga Xaduuda kala qaybisa Galmudug iyo Dowlada deeganka Somalida oo maalmahan ay ka jirtay amni daro sidoo kale, waxaa Shirkaani awooda lagu sarayay sare u qaadida Amniga Degmada Cabudwaaq.

Shirkan ayaa ku so dhamaday is afgarad iyo in lamaha Amniga Galmudug iyo kuwa Dowlad Deeganka Somalida Itobiya ay wada shaqayn yeeshan waxana maalmaha so socda deeganadaasi ka bilaabanaya  howlgalo ballaaran oo Amniga lagu sugayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories