HomeCaalamkaTurkiga oo tijaabiyay Gantaalka S-400 iyo xiisad Cusub oo laga casbi qabo

Turkiga oo tijaabiyay Gantaalka S-400 iyo xiisad Cusub oo laga casbi qabo

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Turkiga ayaa Jimcihii hawada u ganay gantaal meel u dhow xeebta Badda Madow ee Turkiga halkaas oo la filayay in militariga ay ku tijaabiyaan nidaamkooda difaaca S-400 ee Ruushka uu sameeyay, sida ku cad muuqaal maxalli ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters, kaasi keenay in digniin adag ay ka timaaddo Mareykanka. Muuqaalkan oo […]

- Advertisement -

Turkiga ayaa Jimcihii hawada u ganay gantaal meel u dhow xeebta Badda Madow ee Turkiga halkaas oo la filayay in militariga ay ku tijaabiyaan nidaamkooda difaaca S-400 ee Ruushka uu sameeyay, sida ku cad muuqaal maxalli ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters, kaasi keenay in digniin adag ay ka timaaddo Mareykanka.

Muuqaalkan oo laga soo duubay magaalada xeebta ku taal ee Sinop, ayaa muujinayay qiiq hawada isku shareerayay. Maalmihii la soo dhaafay, Turkiga ayaa soo saaray ogeysiisyo xaddidaya hawada iyo biyaha aagga xeebta ah si loogu oggolaado howlgalka tijaabada gantaallahan.

- Advertisement -

Sarkaal Mareykan ah oo aan magaciisa sheegin ayaa tilmaamay in Turkiga uu Jimcihii tijaabiyay nidaamka difaaca ee S-400 laakiin ma uusan bixin faahfaahin.

Tijaabooyinka S-400s, haddii la xaqiijiyo, waxa ay sababi karaan in ay sii kororto xiisadaha u dhexeeya Turkiga iyo Mareykanka, oo si weyn uga soo horjeeday in Ankara ay hubkan ka iibsato Moscow sababo la xiriira in hubkani uu wax u dhimayo nidaamyada difaaca ee isbahaysiga NATO.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Turkiga ayaan beenin ama xaqiijin in gantaalahan ay tijaabisay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories