HomeWararMadaxweynaha dalka Turkiga oo beeniyey warar la faafiyey

Madaxweynaha dalka Turkiga oo beeniyey warar la faafiyey

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa  beeniyey wararka sheegaya in Turkey ay dagaal-yahanno Syrian ah u dirtay Azerbaijan, si ay uga taageeraan dagaalka ay kula jirto gooni u goosatada ay taageerto Armenia ee gooblka Nagorno-Karabakh. “Kuwa nagu sheegaya inaan Mujaahidiin ka yimid Syria u dirnay halkaas, annagu ma lihin ajande noocaas ah,” ayuu Erdogan ku yiri […]

- Advertisement -

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa  beeniyey wararka sheegaya in Turkey ay dagaal-yahanno Syrian ah u dirtay Azerbaijan, si ay uga taageeraan dagaalka ay kula jirto gooni u goosatada ay taageerto Armenia ee gooblka Nagorno-Karabakh.

“Kuwa nagu sheegaya inaan Mujaahidiin ka yimid Syria u dirnay halkaas, annagu ma lihin ajande noocaas ah,” ayuu Erdogan ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka.

- Advertisement -

Bishan horraanteedii, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Ankara ku eedeeyey inay jihaadiyiin Syrian ah gaysay gobolka, isaga oo sheegay in Turkey ay ka gudubtay “diilin cas”.

Erodgan ayaa Arbacadii yiri “Waxay leeyihiin Mujaahidiin ka yimid Syria ayaad u dirteen Azerbaijan. Mujaahdiinta waa inay dalkooda ka shaqeeyaan, halkaas ma aadi lahayn.”

Armenia iyo Azerbaijan oo ah laba dal oo horey uga tirsanaa Midowga Soviet ayaa sanado badan waxaa ka dhaxeeya dagaal la xiriira gacan ku haynta gobolka Nagorno-Karabakh, oo ay degan yihiin dad Armenian ah, balse ka tirsan Azerbaijan.

- Advertisement -

Dagaalkii ugu dambeeyey oo qarxay 27-kii September ayaa weli socda, kadib markii ay fashilantay xabad-joojin la gaaray Sabtidii, oo daqiiqado kooban un dhaqan-gashay.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories