HomeWararQaar kamid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho oo saaka xiran

Qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho oo saaka xiran

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Waddooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa ay yihiin kuwo xiran, iyadoo loo diidayo inay isticmaaladan gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay saaran yihiin dadweynaha iyo kuwo gaarka loo leeyahay. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu arkayaa waddooyinka iyaga oo taagan, isla markaana diidaya in la maro, waxaana ay […]

- Advertisement -

Waddooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa ay yihiin kuwo xiran, iyadoo loo diidayo inay isticmaaladan gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay saaran yihiin dadweynaha iyo kuwo gaarka loo leeyahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu arkayaa waddooyinka iyaga oo taagan, isla markaana diidaya in la maro, waxaana ay u ogal yihiin oo kaliya gaadiidka ay la socdaan Ciidanka iyo Mas’uuliyiinta dowladda.

- Advertisement -

Isgoysyada xiran ayaa ka mid ah kuwa ku teedsan wadada Maka Al-mukarama sida, Banaadir, Soobe, Taleex, Tarabuunka iyo Waddooyin kale oo muhiim u ah isku socodka gaadiida iyo dadka.

Dadka ayaa saakay ah kuwa Cagtooda maalaya, isla markaan howlahooda shaqo iyo mida waxbarasho intaba ku tegaya lugta, waxaana lagu arkayaa iyaga oo socdaal ku maraya hareeraha laamiyada Caasimadda.

Lama oga sababta loo xiray waddooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan xirnaasha waddooyinka.

- Advertisement -

Inta badan Shacabka ku nool Gobolka Banaadir ayaa dhibaatooyin ku qaba xiliyada ay xiran yihiin wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoona goobahooda Ganacsiga iyo Waxbarashada ku tega Cagtooda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories