HomeCaalamkaDhimasho iyo dhaawac ka dhashay Labo diyaaradood oo isku dhacay

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Labo diyaaradood oo isku dhacay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa shil diyaaradeed oo kasaare dhimasho ka geystay waddanka Faransiiska. Labo diyaaradood oo aan aad usii waaweyneyn ayaa isku dhaca iyagoo hawada ku jira kaddibna waxay ku burbureen bartamaha dalka Faransiiska, halkaasoo ay ku dhinteen shan ruux, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah. Shilka labada diyaaradood ayaa galinkii dambe ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa shil diyaaradeed oo kasaare dhimasho ka geystay waddanka Faransiiska.

Labo diyaaradood oo aan aad usii waaweyneyn ayaa isku dhaca iyagoo hawada ku jira kaddibna waxay ku burbureen bartamaha dalka Faransiiska, halkaasoo ay ku dhinteen shan ruux, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

- Advertisement -

Shilka labada diyaaradood ayaa galinkii dambe ee sabtida ka dhacay magaalada Tours ee ku taalla koonfurta-bari ee waddankaas.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah, oo ay ku jiraan qiyaastii 50 dab damis, ayaa loogu yeeray goobta.

Ma jirin cid kale oo waxyeello soo gaadhay markii ay diyaaradaha dhulka kusoo dhaceen.

- Advertisement -

Labada diyaaradood midda yar, oo siday labo ruux, ayaa ayaa ku dhacday xeyndaabka guri ku yaalla magaalada Loches, oo 46km u jirta magaalada Tours.

Qof goob jooge ah ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in diyaaradda yar ay holacday islamarkiiba, maadaama ay ku dhacday keydka korontada ee gurigaas.

Diyaaradda weyn, oo nooceedu yahay Diamond DA40, ayaa iyana ku dhacday meel goobtaas u jirta 100m (328ft).

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts