HomeWararCiidamada amniga oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada Baydhabo

Ciidamada amniga oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada Baydhabo

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgala K/galbeed ayaa maalmihii u dambeeyay magaalada Baydhabo ka waday howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab. Ciidamada ayaa wadooyinka waa weyn ee soo gala magaalada Baydhabo waxay ku baarayaan gaadiidka soo gala magaalada, iyagoo ka hortagaya falalka lidka ku ah amniga ee […]

- Advertisement -

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgala K/galbeed ayaa maalmihii u dambeeyay magaalada Baydhabo ka waday howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa wadooyinka waa weyn ee soo gala magaalada Baydhabo waxay ku baarayaan gaadiidka soo gala magaalada, iyagoo ka hortagaya falalka lidka ku ah amniga ee ay soo maleegayaan Al-Shabaab.

- Advertisement -

Ciidanka oo feejignaan dheeri ah laga dareemayay ayaa waxay baarayaan dadka iyo gaadiidka soo gala magaalada Baydhabo, waxaana howlgalka si gaar ah looga sameeyay deegaanka Maaya-fuulka oo ah halka ay ka soo galayaan gaadiidka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee ku socda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka K/galbeed.

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidanka nabad sugida ee ka howlgala deegaanada K/galbeed oo hoggaaminayay howlgal ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu yahay mid lagu dagaalamayo Al-Shabaab oo inta badan soo maleega falal ammaanka lid ku ah oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan, islamarkaana lagu dhibaateynayo shacabka magaalada Baydhabo sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories