HomeWararHay'adda Socdaalka oo xafiis Cusub ka furatay Degmo ka tirsan Sh/Hoose

Hay’adda Socdaalka oo xafiis Cusub ka furatay Degmo ka tirsan Sh/Hoose

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa xarigga ka jaray Xafiiska Bixinta Baasaboorka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Munaasabadda xarigga looga jaraayay Xafiiska cusub ayaa waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Laanta 3aad ee HSJ Md, Cumar Xaaji, Guddoomiyaha Degmada Baraawe Md, Cumar Shiikh Cabdi Taliyaha Saldhiga degmadaas, Guddomiyaha Ururka Haweenka […]

- Advertisement -

K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa xarigga ka jaray Xafiiska Bixinta Baasaboorka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Munaasabadda xarigga looga jaraayay Xafiiska cusub ayaa waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Laanta 3aad ee HSJ Md, Cumar Xaaji, Guddoomiyaha Degmada Baraawe Md, Cumar Shiikh Cabdi Taliyaha Saldhiga degmadaas, Guddomiyaha Ururka Haweenka Maryan Mukhtar, Ururka Dhalinyarada iyo Odayaasha dhaqanka ee Baraawe.

- Advertisement -

Maamulka Baraawe iyo shacabka deegaanka ayaa si weyn usoo dhaweeyay in Hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadda ay ka furto Degmada Baraawe Xafiiska Bixinta Baasaboorka iyagoo sidoo kale sheegeen in ay si dhaw ula shaqeyn doonaan. Xafiiska cusub ayaa u adeegi doono dadka ku sugan Baraawe iyo nawaaxigeeda iyagoo maanta wixii ka dambeeyo ka heli doono Baasaboorka Soomaaliya.

Ugu dambeyn K/xigeenka Agaasimaha Guud Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay gaareyso degmooyin badan iyadoo la gaarsiinaayo adeegga Baasaboorka isla markaana ay bulshada loogu dhaweeyo adeegyada kala duwan oo ay bixiso Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories