HomeWararGuddoomiye Cismaan Barre oo la kulmay Guddiga xulista Barlamaanka Hirshabeelle

Guddoomiye Cismaan Barre oo la kulmay Guddiga xulista Barlamaanka Hirshabeelle

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa Magaalada Jowhar kulan kula qaatay Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka 2-aad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Guddoomiye Cismaan Barre iyo Guddiga Farsamada ayaa ka wada hadlay howlaha soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle, sidii loo xareyn lahaa Odayaasha dhaqanka iyo Arrimo kale. Sheekh Cismaan Barre oo Qoraal […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa Magaalada Jowhar kulan kula qaatay Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka 2-aad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiye Cismaan Barre iyo Guddiga Farsamada ayaa ka wada hadlay howlaha soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle, sidii loo xareyn lahaa Odayaasha dhaqanka iyo Arrimo kale.

- Advertisement -

Sheekh Cismaan Barre oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay inuu Guddiga Farsamada uu ka dhageystay Howlaha u qabsoomay iyo qorshayaasha kale ee Guddiga, isagoo kula dardaarmay inay howlaha shaqo ee Guddiga horyaalla la dardar-geliyo.

Ugu dambeyn Guddoomiye Cismaan Barre ayaa dhammaan, Siyaasiyiinta, Duubabka dhaqanka iyo Bulshada reer Hirshabeelle ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dhismaha Hirsbabellada Cusub, si hufnaan iyo daacadnimo ku jirtana loola shaqeeyo Guddiga.

Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle ayaa dhawaan soo saaray Jadwalka oo soo xulista Baarlamaanka iyo Doorashada Guddoonka, hayeeshee Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa kasoo horjeestay Jadwalkaas, isagoo sheegay in la dhameystirayo Guddiga.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories