HomeWararMaamul Goboleedkii ugu horreeyay ee ka Tacsiyeeyay geerida RW hore ee...

Maamul Goboleedkii ugu horreeyay ee ka Tacsiyeeyay geerida RW hore ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galleyr oo ku geeriyooday Magaalada Jig-jiga ee Xarunta dowlad degaanka Soomaali Galbeed. Madaxweyne Ku-xigeenka, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha […]

- Advertisement -

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galleyr oo ku geeriyooday Magaalada Jig-jiga ee Xarunta dowlad degaanka Soomaali Galbeed.

Madaxweyne Ku-xigeenka, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowlad Goboleedka ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo ku geeriyooday Jigjiga.

- Advertisement -

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu tiiraanyada geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya la qaybsanayaa, ugana tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka reer Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. Waxa uu Alle “SWC” uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannatul Fardawsa ka Waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Cali Khaliif oo ahaa mas’uul taariikh dheer ku leh dalka ayaa Ra’iisal wasaare ka ahaa dawladdii KMG ahayd ee Carta intii u dhaxaysay 8 October 2000 – 28 October 2001, waxaana sidoo kale uu soo qabtay xilal kala duwan oo dawladeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories