HomeCaalamkaAzerbaijan oo degaano dhowr ah kala wareegtay Dowladda Armenia

Azerbaijan oo degaano dhowr ah kala wareegtay Dowladda Armenia

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Dagaalka Armenia iyo Azerbaijan ayaa u muuqanaya inuu yahay mid sii kordhaya, kuna faafaya deegaano dhowr ah, Hubka la isku adeegsanayo ayaa ah mid culus, waxaana hadda la sheegayaa in ciidamada Azerbaijan ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka Nagorno Karabakh ka socdo. Armenia waxaa dagan dad Karishtan ah halka Azerbaijan ay dagaan dad muslimiin […]

- Advertisement -

Dagaalka Armenia iyo Azerbaijan ayaa u muuqanaya inuu yahay mid sii kordhaya, kuna faafaya deegaano dhowr ah, Hubka la isku adeegsanayo ayaa ah mid culus, waxaana hadda la sheegayaa in ciidamada Azerbaijan ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka Nagorno Karabakh ka socdo.

Armenia waxaa dagan dad Karishtan ah halka Azerbaijan ay dagaan dad muslimiin ah, waxaana laga baqayaa in dagaalka uu sii xoogeysto maadaama maalintii sideedaad uu galay, isla markaana la soo riday diyaarad helicopter ah oo ciidanka Azebaijan leeyihiin.

- Advertisement -

Madaxweynaha Azerbaijan ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad todobo deegaan oo ciidamada Armenia ay ku sugnaayeen.

Labada dhinac ee Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxaa dhexmaraya dagaalkii ugu cuslaa ee sanado ka dhaca gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan gobolka Armenia ee qowmiyadeed kaas oo ka go’ay Azerbaijan sanadii 1990-yadii markii Midowgii Soofiyeeti burburay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah sameeyaan labada dowladood oo muddo ka badan todobaad ku dagaalamaya gobolka Nagorno-Karabakh.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories