HomeWararMaamul Goboleedkii labaad oo ka hadlay ansixinta heshiiskii Doorashada

Maamul Goboleedkii labaad oo ka hadlay ansixinta heshiiskii Doorashada

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa War kasoo saaray Go’aankii shalay Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka ay ku ansixiyeen heshiiskii laga Doorashada dalka ka dhaceysa. Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu kusoo dhaweeyay Go’aankii lagu ansixiyay heshiiska, wuxuuna tilmaamay inuu aamisan yahay tallaabadan ay tahay mid dhaxalgal u […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa War kasoo saaray Go’aankii shalay Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka ay ku ansixiyeen heshiiskii laga Doorashada dalka ka dhaceysa.

Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu kusoo dhaweeyay Go’aankii lagu ansixiyay heshiiska, wuxuuna tilmaamay inuu aamisan yahay tallaabadan ay tahay mid dhaxalgal u ah dalka.

- Advertisement -

Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka ayuu Madaxweynaha Galmudug uga mahadceliyay Go’aankii ay qaateen, isagoona xusay in arrintaas ay dalka horseedi doonto qabsoomidda doorasho qaran oo xor iyo xalaal ah.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii labada aqal ay si wadajir ah ugu ansixiyeen heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah ku gaareen magaalada Muqdisho. Waxaan aaminsanahay in tallaabadan ay tahay mid dhaxalgal u ah dalka una horseedi doonto qabsoomidda doorasho qaran oo xor iyo xalaal ah. Waxaan uga mahadcelinayaa xildhibaanada Baarlamaanka labada Aqal ee JFS go’aanka masiiriga ah oo ay gaareen” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa horey u soo dhaweeyay Go’aankii shalay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay ku ansixiyeen heshiiskii laga doorashada dalka Soomaaliya ee 2020/2021.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories