HomeWararC/raxmaan C/shakuur oo kulan la yeelanaya Ra’iisul Wasaaraha Cusub

C/raxmaan C/shakuur oo kulan la yeelanaya Ra’iisul Wasaaraha Cusub

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in saacadaha soo aaddan ay kulan yeelan doonan Ra’iisul wasaare Maaxmed Xuseen Rooble iyo siyaasiga  Cabdiraxmaan Ca/shakuur Warsame, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan sababaha ay u kulmayaan labada mas’uul. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku sugan Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, sida ay […]

- Advertisement -

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in saacadaha soo aaddan ay kulan yeelan doonan Ra’iisul wasaare Maaxmed Xuseen Rooble iyo siyaasiga  Cabdiraxmaan Ca/shakuur Warsame, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan sababaha ay u kulmayaan labada mas’uul.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku sugan Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, sida ay sheegayan warar hoose oo aan helnay.

- Advertisement -

Waxaa la sheegay in u jeedka kulanka labada mas’uul uu la xariiro arrimo dhowr ah oo quseeya arrimaha siyaasadda dalka, iyo sidoo kale xaaladda kala guurka ah ee dalku marayo, iyadoo wararku ay sheegyaan in Ra’iisuul Wasaare Rooble uu kala tashanayo qaabka uu usoo dhisayo Golahiisa wasiirada ee looga fadhiyo ra’iisul wasaaraha Cusub in soo dhiso maalmaha soo aadda.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wsaaraha Cusub ee Soomaaliya ayaa waxa uu wadaa kulamo gooni gooni ah uu la leeyahay madaxda Mucaaradka ah, Waxaana sidoo kale uu kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyadoo xalay uu la kulamay Guddoonka Golaha Shacabka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories