HomeWararSoomaaliya oo Guddoomisay Shir ay yeesheen Golaha guud ee QM

Soomaaliya oo Guddoomisay Shir ay yeesheen Golaha guud ee QM

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Gudoomiye ku-xigeenka golaha guud ee kal-fadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay, ahna danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay danjire Abuukar Cusmaan (Abuukar Balle) ayaa la wareegay shir guddoonka qayb ka mid ah fadhiga 75-aad ee golaha loo dhanyahay, kaas oo sanadkan madaxda caalamku badankood ay kaga qaybgalayaan Online-ka. Shirka oo sanad kasta la qabto bisha September […]

- Advertisement -

Gudoomiye ku-xigeenka golaha guud ee kal-fadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay, ahna danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay danjire Abuukar Cusmaan (Abuukar Balle) ayaa la wareegay shir guddoonka qayb ka mid ah fadhiga 75-aad ee golaha loo dhanyahay, kaas oo sanadkan madaxda caalamku badankood ay kaga qaybgalayaan Online-ka.

Shirka oo sanad kasta la qabto bisha September ayaa waxaa sanadkan xoogga lagu saaray saamaynta uu cudurka Corona ku yeeshay bini’aadamka oo dhan, tallaabooyinka ay dawladuhu u qaadeen la dagaalankiisa iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay.

- Advertisement -

Sii hayaha Ra’iisal wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo jeediyey khudbadda rasmiga ah ee uu Soomaaliya ku matalayo isagoo Muqdisho ku sugan ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka soo socda oo laga gaaray heshiis siyaasadeed, saamaynta dhaqaale ee Somaaliya ka soo gaartay COVID-19 iyo sida dawladdu ay xoogga u saartay xakamaynta cudurkan.

“Soomaaliya ayey guul diblomaasiyadeed oo caalami ah u tahay inay shir gudoomiso fadhiga loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay 41-sano ka dib, taas oo ah calaamad muujinaysa soo kabashada Soomaaliya iyo inay ku soo laabatay meeqaamkeedii sare ee ay ku lahayd hay’adaha waawayn ee dunidu ku kulanto” ayaa lagu yiri Qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories