HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo soo gabagabeysay kiis ciqaabeed

Maxkamadda Ciidamada oo soo gabagabeysay kiis ciqaabeed

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Maxakamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa kiis Ciqaabeed waxaa ay kusoo gababeeysay Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo. Dhageysiga dacwadda ayaa lagu soo gababeeyay Bannaanka Magaalada Balad-xaawo, gaar ahaan meel u dhaw saldhigga Ciidamada Booliska Magaladaasi, iyadoo ay goob joog  ka ahayeen Saraakiisha Ciidanka Balad-xaawo iyo saraakiil ka socotay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda. Eedeysanayaasha dacwaddooda loo fariistay […]

- Advertisement -

Maxakamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa kiis Ciqaabeed waxaa ay kusoo gababeeysay Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Dhageysiga dacwadda ayaa lagu soo gababeeyay Bannaanka Magaalada Balad-xaawo, gaar ahaan meel u dhaw saldhigga Ciidamada Booliska Magaladaasi, iyadoo ay goob joog  ka ahayeen Saraakiisha Ciidanka Balad-xaawo iyo saraakiil ka socotay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda.

- Advertisement -

Eedeysanayaasha dacwaddooda loo fariistay ayaa lagu soo eedeayay in ay weerear ku qaadeen barkoontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Booliska Baladxaawo, waxaana la sheegay in ay halkaasi ku dileen Saciid Cali Mursal, iyadoo uu ku dhaawacmay Maxamed Cabdi Aadan, waxaana labaduba ay ka tirsanaayeen Ciidanka Booliska Baladxaawo.

Tirada eedeysanayaasha ayaa gaareysa shan eedeysane, waxaana lagu kala magacaabaa, Cabdi Cumar Cabdi, Haaaruun Cabdiraxmaan Xuseen,  Maxamed Xasan Aadan, C/qaadir Miidey Cabdulle iyo Ibraahim Faarax Maxamuud, waxaana dhammaantood lagu soo eedeyay in ay dil gaysteen.

Gen. Cabdullaahi Buule Kameey Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in ay haayaan caddeymo ku filan, kuwaas oo muujinaya in shanta eedeysane ay dilka iyo dhaawac gaysteen, waxaana uu maxkadda ka dalbaday in dambiga ay galeen lagu qaado Ciiqaabtiisa.

- Advertisement -

Ugu dambey Gaashanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxamadda waxaana uu sheegay in ay maxkamaddu go’aan kasoo saari doonto kiiska loo haysto eedeysanayaasha.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories