HomeWararMadaxweyaha K/Galbeed “Waa muhiim in la dhageysto tabashada Deni iyo Axmed Madoobe”

Madaxweyaha K/Galbeed “Waa muhiim in la dhageysto tabashada Deni iyo Axmed Madoobe”

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo Magaalada Baydhabo ka daah-furay shirka wadatashiga ee Madaxda KGS, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa khudbad ka jeediyay shirkaas. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa marka hore waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayan qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb-3 ee go’aanka looga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa, isagoona xusay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo Magaalada Baydhabo ka daah-furay shirka wadatashiga ee Madaxda KGS, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa khudbad ka jeediyay shirkaas.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa marka hore waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayan qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb-3 ee go’aanka looga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa, isagoona xusay in shirka ka furmay Baydhabo uu iyaga gaar u yahay.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in muhiim tahay in la dhageysto tabashooyinka ay qabaan Madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee ka maqnaa shirkii Dhuusamareeb-3, lana heshiiyo.

Sidoo kale Lafta-gareen ayaa tilmaamay in shirkooda gaarka ah markii uu dhammaado ay u soo ambabixi doonaan Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka maalinta berri ah ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa waxaa uu  sheegay in shir looga hadlayo Arrimaha amniga ay bisha soo socota yeelan doonaan Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

No posts to display