HomeCaalamkaDad ku dhintay Qarax uu ka badbaaday Madaxweyne ku-xigeen

Dad ku dhintay Qarax uu ka badbaaday Madaxweyne ku-xigeen

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar bambo loo adeegsaday oo ka dhacay waddo ku taalla caasimadda Afghanistan ee Kabul, kaas oo lala beegsaday madaxweyne ku xigeenka dalkaas, Amrullah Saleh. Mr Saleh, oo ah madaxii hore ee hay`adda sirdoonka Afghanistan, ayaa ka badbaaday qaraxa iyadoo uu dhaawac fudud ka gaaray wejiga iyo gacanta. Weerarka […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar bambo loo adeegsaday oo ka dhacay waddo ku taalla caasimadda Afghanistan ee Kabul, kaas oo lala beegsaday madaxweyne ku xigeenka dalkaas, Amrullah Saleh.

Mr Saleh, oo ah madaxii hore ee hay`adda sirdoonka Afghanistan, ayaa ka badbaaday qaraxa iyadoo uu dhaawac fudud ka gaaray wejiga iyo gacanta.

- Advertisement -

Weerarka ayaa ku soo aaday iyadoo saraakiisha Afghanistan iyo Taliban ay isu diyaarinayeen wada hadalladoodii ugu horreeyay ee rasmi ah.

Afhayeen u hadlay Taliban, Zabihullah Mujahid ayaa barta Twitter-ka ku qoray in kooxdu aysan mas`uul ka ahayn qaraxa. Muuqaal laga duubay goobta ayaa muujinaya qiiq ka baxaya goobta.

Tareq Arain, oo u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ee Afghanistan, ayaa sheegay in qaraxa la dhigay waddada dhinaceeda lala beegsaday gaadiidka Saleh xilli uu shaqo u socday. Mr Arain ayaa sheegay 10 qof oo rayid ah oo goobta ka shaqeynayay lagu dilay halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen, oo uu ku jiro mid ka mid ah ilaalada Saleh.

- Advertisement -

Mr Saleh ayaa lagu yaqaannaa inuu aad uga soo horjeedo Taliban, waana madaxii hore ee hay`adda sirdoonka, wuxuu hore uga badbaaday dhowr isku day dil, oo uu ku jiro isku daygii sanadkii hore lagu weeraray xafiiskiisa, ayna ku dhinteen 20 qof. Mar uu hadlayay qaraxa kaddib wuxuu wacad ku maray inuu sii wadayo shaqadiisa siyaasadeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories