HomeWararTaliska Booliska Maamulka Puntland oo Digniin soo saaray

Taliska Booliska Maamulka Puntland oo Digniin soo saaray

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Taliska qaybta Booliska Gobalka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo Ciidanka amniga maalmihii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen gudaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas. Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Puntland howlgalkii ay sameeyeen lagu soo qabtay dad […]

- Advertisement -

Taliska qaybta Booliska Gobalka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo Ciidanka amniga maalmihii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen gudaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas.

Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Puntland howlgalkii ay sameeyeen lagu soo qabtay dad farabadan, kuwaasi geystay falal amni darro, lana haayay xogtooda.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Taliye Maxamed Aadan in howlgalka lagu qabtay in ka badan 200 qof, kuwaasi oo uu sheegay in intooda badan ay Garoowe shacabka ugu geysteen dhibaatooyin kala duwan.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha Booliska Nugaal ayuu tilmaamay in dadka la qabtay ay isugu jiraan kuwo dadka ku dhici jiray tooreeyo xiliyada habeenkii ah, halka qaar kalena ay dadka shacabka ka dafi jireen taleefoonada gacanta, isla markaana raggaas lagu qabay dhibaato.

Taliye Maxamed Aadan ayaa Digniin adeg u diray Ciidanka amniga Puntland, waxaana uu carabka ku dhuftay in aan la ogolaan doonin in rasaas lagu ku dhex rido gudaha Garoowe, isagoona xusay in rasaasta ay waxyeelo kasoo gaari karto shacabka, wuxuuna dadka ku dhaqan halkaas ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidanka.

- Advertisement -

Si kastaba Magaalada Garoowe ayaa waxaa maalmihii lasoo dhasafay ka dhacayay falal amni darro baahsan, iyadoo dadka shacabka ee halkaas ku dhaqan ay dhibaato ku qabeen rag burcad ah oo dhac u geystan jiray.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories