HomeCaalamkaIsraa’iil iyo Kosovo oo heshiis Cusub kala saxiixday

Israa’iil iyo Kosovo oo heshiis Cusub kala saxiixday

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Serbia iyo Kosovo ay caadiyeeyeen xiriirkooda dhaqaale, taasi oo qeyb ka ah wadahadallo uu Mareykanku garwadeen ka yahay oo ay ka mid tahay in Belgrade ay safaaraddeeda Israel u wareejiso magaalada Jerusalem, iyo in Israel iyo Kosovo ay is-ictiraafaan. Ka dib kulamo laba maalmood qaatay oo ay […]

- Advertisement -

Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Serbia iyo Kosovo ay caadiyeeyeen xiriirkooda dhaqaale, taasi oo qeyb ka ah wadahadallo uu Mareykanku garwadeen ka yahay oo ay ka mid tahay in Belgrade ay safaaraddeeda Israel u wareejiso magaalada Jerusalem, iyo in Israel iyo Kosovo ay is-ictiraafaan.

Ka dib kulamo laba maalmood qaatay oo ay la yeesheen saraakiisha maamulka Trump, Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic iyo Ra’isul wasaaraha Kosovo Avdullah Hoti ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha si loo soo jiito maalgashi loona abuuro shaqooyin.

- Advertisement -

Ku dhawaaqista ayaa Trump siinaysa guul dublomaasiyadeed ka hor doorashadii madaxtinimada ee dhacaysa 3-da bishii November, iyadoo sii kordhinaysa dadaalka maamulkiisa ee lagu hagaajinayo maqaamka Israel ee dunida.

Trump ayaa sheegay in Serbia ay ka go’an tahay in ay bishan xafiis ganacsi ka furato magaalada Jerusalem, safaaraddeedana ay halkaasi u wareejiso bisha July.

Go’aanka Serbia ee ah in ay safaaraddeeda Tel Aviv u wareejiso Jerusalem ayaa ah mid aysan fileyn Israel iyo Mareykankaba. Maamulka Trump ayaa dhammaadkii 2017-kii Jerusalem u aqqoonsaday in ay tahay caasimadda Israel, iyadoo bishii May ee sanadkii 2018-kii u raray safaaradda Mareykanka magaaladaasi.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories