HomeWararDuqa Muqdisho oo caddeeyay sababta waddooyinka Caasimadda u xiran yihiin

Duqa Muqdisho oo caddeeyay sababta waddooyinka Caasimadda u xiran yihiin

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka  Banaadir  ahna duqa Muqdisho Cumar maxamed maxamuud Cumar Filish ayaa sheegay in uu ku guuldarraystay in waddooyinka Magaalada Muqdisho uu ka qaado dhagxaanta waa weyn ee lagu gooyay iyo sidoo kale in uu furo waddooyinka muhiim u ah isku socodka shacabka. Cumar Filish oo ka hadlayay Munaasabad loogu dabbaal dagayay sanad guuradii kasoo […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka  Banaadir  ahna duqa Muqdisho Cumar maxamed maxamuud Cumar Filish ayaa sheegay in uu ku guuldarraystay in waddooyinka Magaalada Muqdisho uu ka qaado dhagxaanta waa weyn ee lagu gooyay iyo sidoo kale in uu furo waddooyinka muhiim u ah isku socodka shacabka.

Cumar Filish oo ka hadlayay Munaasabad loogu dabbaal dagayay sanad guuradii kasoo wareegatay markii uu xilka la wareegay ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan waxtyaabo badan oo u qabsoomay maamulkiisa, kuwaas oo uu sheegay in waqti iyo dadaal badan uu galiyay.

- Advertisement -

Waxaa sidoo kale uu sheegay Guddoomiye Cumar Filish in caqabadaha ugu weyn ee waddooyinka muqdisho ay u xireen ay tahay ka hortag ay doonayaan in ka hortagaan falalka qaraxyada u badan ee AL-shabaab ay ka fulliyaan Muqdisho.

Kulanka ka dhacay Xarunta dhalinuarada ee Gobolka Banaadir ayuu Guddoomiye Flish ka sheegay in ay doonayaan in ay dar-dar galiyaan howlaha caasimadda oo habacsnaan dhanka ammaanka ah laga dareemayo, waxaana uu ballan qaaday in isbedel dhab ah la imaan doono.

Shalay oo ugu danbeysay ayuu Cumar Filish waxaa uu guddoomiyaal u magacaabay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana uu sheegay in tani ay qayb ka tahay dar-dar galinta xagga ammaanka ah ee maamul kiisu ku tallaabsan doono.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories