HomeWararMaxaa looga hadlay Kulanka dhexmaray Madaxweyne Deni  iyo CC Shakuur?

Maxaa looga hadlay Kulanka dhexmaray Madaxweyne Deni  iyo CC Shakuur?

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid cabdullaahi Deni ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Sahkuur Warsame, waxaana labada Mas’uul ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo la xariira siyaasadda dalka iyo arrimo kale. Wafdi uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa gaaray Puntland, waxaana wararku sheegayaan kulan uu u socdo labada Mas’uul. War […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid cabdullaahi Deni ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Sahkuur Warsame, waxaana labada Mas’uul ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo la xariira siyaasadda dalka iyo arrimo kale.

Wafdi uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa gaaray Puntland, waxaana wararku sheegayaan kulan uu u socdo labada Mas’uul.

- Advertisement -

War uu soo saaray Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa waxaa uu ku sheegay in kulanka uu la qaatay Deni uu ku saabsanaa arrimaha siyaasadda iyo sidoo doorashada soo aadddan, waxaana si gaar ah ay uga wada hadleen Xiliga kala guurka ah ee dalku galayo.

“Waxaan aniga wafdigii safarka igu wehliyey kulan la qaadanay madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid C/laahi Deni, Waxaan iska waraysanay xaaladda siyaasadeed ee dalka guud ahaan iyo gaar ahaan xilliga kala guurka ah” ayuu yiri CC Shakuur.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa maanta la filayay in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho balse waa uu ka baaqday, waxaana wararku ay sheegayaan in maalinta berri ah uu soo gaari doono Muqdisho si uu uga qayb galo shirka ay wada-yeelan doonaan Madaxweyne farmaajo, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo maadxweyne Deni.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories