HomeWararMadaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay siihayaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Xamsa Saciid Xamsa iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhagaystay Siihayaha wasaaradda Gargaarka XFS iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan (Makaawe). wuxuuna bogaadiyey daddaalka wasaaradda ee arrimaha gargaarka, latacaalida masiibooyinka iyo halis wadareedka.

Wasiirka Gargaarka Dowladda Federaalka ayaa Maamulka Galmudug ku wareejiyay agab muhiim u ah in lagula socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda, xili ay jiraan Musiiboooyinka.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey agab loogu tala-galay cimilada iyo tilmaamayaasheeda Musiiboooyinka u gaarsiisay dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa wado olole Dowlad-Gobaleedyada loogu sameynayo xarumaha sii saadaaliya halisyada Musiiboooyinka, si hey’adaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories