HomeCaalamkaKim Jong oo ka hadlay xaaladdisa Caafimaad oo shaki la galinayay

Kim Jong oo ka hadlay xaaladdisa Caafimaad oo shaki la galinayay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Kim Jong-un ayaa maamulada Kuuriyada Waqooyi uga digay iney isu diyaariyaan khatarta fayraska corona iyo dufaanta. Mr Kim ayaa ka soo muuqday munaasabad kaddib warar la isla dhexmarayay oo shaki gelinayay xaaladdiisa caafimaad. Kuuriyada Waqooyi ayaanan ilaa haatan laga xaqiijin kiis fayraska corona ah, waxaana la aaminsan yahay in haddii uu gaaro xanuunka uu si […]

- Advertisement -

Kim Jong-un ayaa maamulada Kuuriyada Waqooyi uga digay iney isu diyaariyaan khatarta fayraska corona iyo dufaanta. Mr Kim ayaa ka soo muuqday munaasabad kaddib warar la isla dhexmarayay oo shaki gelinayay xaaladdiisa caafimaad.

Kuuriyada Waqooyi ayaanan ilaa haatan laga xaqiijin kiis fayraska corona ah, waxaana la aaminsan yahay in haddii uu gaaro xanuunka uu si xowli ah ugu faafayo uuna saameyn weyn ku yeelan doono dalkaasi aanu dhaqaalihiisa cagaha badan ku taagneyn.

- Advertisement -

Dhanka kale dabayaaqada toddobaadkan ayaa waxaa la filayaa in duufaanta Bavi ay ku dhufuto Kuuriyada Waqooyi.

Mr Kim oo ka hadlayay kulan ka dhacay olitburo ayuu isagoo sigaar dhuuqayo ka sheegay in laga gaabiyay dadaalladii ka hortagga fayraska corona ee Kuuriyada Waqooyi laga waday. Sida ay soo werisay warbaahinta qaranka iyada oo aan bixin faah-faahin dheeraad ah.

Xukuumadda Pyongyang ayaa muddo dheer ku adkeysaneysay in dalkeeda aanan laga helin fayraska corona, inkastoo hadalkaasi shaki la gelinayay. Ma jirin wax kiis ah oo lagu dhaawaqay balse warbaahinteeda ayaanan muddo dhowr toddobaad ah joojisay sheegashada ah in laga aana weli laga helin kiis la xiriira fayraska corona.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories