HomeCaalamkaMaxkamadeynta Nin Masaajid ku laayay Muslimiin badan oo bilaabatay

Maxkamadeynta Nin Masaajid ku laayay Muslimiin badan oo bilaabatay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Cunsuriga caddaanka ahaa ee u dhashay dalka Australia oo 51 qof muslimiin ah ku dilay laba masaajid oo ku yaalla New Zealand wuxuu damacsanaa inuu masaajid seddexaadna uu weeraro, maxkamadda ayaana maanta billowday dhageysiga xukunka ninkaasi lagu ridayo oo soconaya afar maalmood oo xiriir ah. Tarrant ayaa lagu soo dacweeyey inuu dilay 51 qof, iskuday […]

- Advertisement -

Cunsuriga caddaanka ahaa ee u dhashay dalka Australia oo 51 qof muslimiin ah ku dilay laba masaajid oo ku yaalla New Zealand wuxuu damacsanaa inuu masaajid seddexaadna uu weeraro, maxkamadda ayaana maanta billowday dhageysiga xukunka ninkaasi lagu ridayo oo soconaya afar maalmood oo xiriir ah.

Tarrant ayaa lagu soo dacweeyey inuu dilay 51 qof, iskuday dil uu damacsanaa inuu 40 qof oo kale u geysto iyo dacwad fal argagixisanimo. Waa marki ugu horreysay oo qorshaha uu ninkaasi damacsanaa maxkamadda lagu soo bandhigo.

- Advertisement -

Tarrant oo 29 jir ah ayaa wajahi doono xukun xabsi daa’im ah, xukunkaasi oo noqonaya mid aan New Zealand horay uga dhicin.

Dhageysiga xukunka maxkamadda ayaa maanta oo Isniin ah ka billaabmay maxkamad ku taallo Christcurch oo ah magaalada uu weerarka ka dhacay March 2019.

Xayiraadaha ka dhashay Covid-19 awgii maxkamadda ayaa noqon doonto mid ay dad badan joogin.

- Advertisement -

Garsoore Barnaby Hawes maanta oo Isniin ah wuxuu sheegay Tarrant weerarkaasi sanad ka hor inuu qorsheynayey, wuxuuna intaa ku daray ujeeddadiisu iney ahayd “tirada dad ee ugu badan halkaasi inuu ku dilo”.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories