HomeCaalamkaDigniin laga soo saaray Duufaano ku wajahan Mareykanka

Digniin laga soo saaray Duufaano ku wajahan Mareykanka

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

madaxweynaha Koonfur Sudan Oo Beddelay Guddoomiyihii Baanka Dhexe

Madaxweynaha Koonfur Sudan Salva Kiir oo xilka ka qaaday guddoomiyihii baanka dhexe Johnny Ohisa, isagoo bedel u magacaabay Addis Ababa Othow.

Trump oo dadka weydiiyay wax aan dhicin

Trump oo mar kale sheegay in dabayl la'aan ay sababtay in dadka aysan daawan karin dood siyaasadeed 2024. Khubaradu waxay sheegayaan in aanay jirin caddeyn muujinaysa dhacdadaas.

Maqaayad Xalaal Ah Oo Kala Qaybisay Faransiiska

Dagaal ku saabsan makhaayad digaag xalaal ah oo Paris ka taal ayaa noqday astaan u ah kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Faransiiska, iyadoo u dhexeeya duqa Sooshaalistaha iyo xisbiga far-left ee France Unbowed.

Kumannaan qof ayaa laga daad gureeyay qeybo ka tirsan Caribbean-ka iyo koofurta Mareykanka, iyadoo laga digayo in labo duufaan ay halkaasi ku wajahan yihiin. Duufaannada Marco iyo Laura ayaa wata dabeylo xooggan, kuwaas oo waxyeello ka geystay dalalka Haiti, Cuba iyo Jamhuuriyadda Dominica. Roobab xooggan ayaa sidoo kale ka da`ay Puerto Rico oo Mareykanka ka […]

- Advertisement -

Kumannaan qof ayaa laga daad gureeyay qeybo ka tirsan Caribbean-ka iyo koofurta Mareykanka, iyadoo laga digayo in labo duufaan ay halkaasi ku wajahan yihiin.

Duufaannada Marco iyo Laura ayaa wata dabeylo xooggan, kuwaas oo waxyeello ka geystay dalalka Haiti, Cuba iyo Jamhuuriyadda Dominica. Roobab xooggan ayaa sidoo kale ka da`ay Puerto Rico oo Mareykanka ka tirsan.

- Advertisement -

Duufaanta Marco ayaa maanta laga cabsi qabaa inay dhul go` ka geysato gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka, iyadoo Laura laga baqayo inay Khamiista ku dhufato Texas.

Balse kooxda saadaasha hawada ayaa sheegay in laga yaabo in duufaanta Laura ay ka soo kacdo bariga kaddibna ku dhufato Louisiana, waxayna noqon kartaa markii ugu horreysay ee gobolkaas ay hal mar ku dhuftaan labo duufaan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in xaalad musiibo ay ka taagan tahay, isagoo amray in gargaar lala gaaro. Sabtidiina, go`aan kaas la mid ah ayaa laga soo saaray Puerto Rico.

- Advertisement -

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay Jamhuuriyadda Dominica iyadoo Laura ay saameyn ku yeelatay dalkaas, in ka badan hal milyan oo qof ayaana koronto la`aan noqday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories