HomeWararPuntland oo War kasoo saartay kulankii Saciid Deni iyo Golaha Wasiirada

Puntland oo War kasoo saartay kulankii Saciid Deni iyo Golaha Wasiirada

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey kulanka uu la yeeshay Golaha Wasiirada Dowladda Puntland. Kulanka oo Madaxweynaha uu ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale ka qeybgalay La taliyayaal Madaxweyne. Madaxweyne Saciid Deni ayaa Golaha uga warbixiyey safarkii uu ku tegay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug oo uu […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey kulanka uu la yeeshay Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Kulanka oo Madaxweynaha uu ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale ka qeybgalay La taliyayaal Madaxweyne.

- Advertisement -

Madaxweyne Saciid Deni ayaa Golaha uga warbixiyey safarkii uu ku tegay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug oo uu kaga qeybgalay Shirka looga hadlayey Doorashada Soomaaliya.

“Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Golaha uga warbixiyey Safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti iyo shaqadii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay Gobolka Mudug oo Madaxweynuhu Safar ku tegay, isagoo booqday degmooyin iyo deegaamo ka tirsan Gobolkaasi.” Ayuu yiri Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jaamac Dabaraani.

Hay’addaha Maamulka waxaa la faray in Shaqadu ay sidoodii hore kusoo laabato, sida gudashada shaqada iyo saacadaha la imanayo Xafiisyada , Iyadoo lasoo saarayo Hab-raacyo kooban oo Caafimaad kuwaasi oo ku saabsan sida loola noolanayo khatarta xanuunka Covid19 .

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories