HomeWararTaliska Ciiddanka Caalamiga ah ee Xeebaha Soomaaliya oo lala wareegay

Taliska Ciiddanka Caalamiga ah ee Xeebaha Soomaaliya oo lala wareegay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ciidanka Faransiiska ee qaybta ka ahaa la dagaalanka Burcad-badeedda ayaa waxaa lagala wareegay  Xilka Hoggaaminta ee Taliska Ciiddanka ee CTF 150, waxaana la shegay in hadda wixii ka danbeeya ay shaqadaas si toos ah ula wareegi doonaan Sucuudigu. Howlgalka ayaa ah sidii loola dagaalami lahaa qowlaysatada Burcad-badeedda ah ee afduubyada ka gaysta xeebaha Soomaaliya, waxaana […]

- Advertisement -

Ciidanka Faransiiska ee qaybta ka ahaa la dagaalanka Burcad-badeedda ayaa waxaa lagala wareegay  Xilka Hoggaaminta ee Taliska Ciiddanka ee CTF 150, waxaana la shegay in hadda wixii ka danbeeya ay shaqadaas si toos ah ula wareegi doonaan Sucuudigu.

Howlgalka ayaa ah sidii loola dagaalami lahaa qowlaysatada Burcad-badeedda ah ee afduubyada ka gaysta xeebaha Soomaaliya, waxaana ay kormeer iyo baacsi ay ku sameeyaan   Maraakiibta iyo Doonyaha loogaa shakiyey inay qeyb ka yihiin Kooxaha Burcad-baddeedda ama ay mararka qaar Tahriibinaya Hubka iyo waxyaabaha kale ee sharci darrada ah.

- Advertisement -

Taliska ka howlgala Xeebaha Soomaaliya ee la dagaalama Burcad-badeedda ayaa 4-tii bilba waxaa lagu sameeyaa isbeddel waxaana marba taliska la wareega dal cusub oo hoggaanka Ciiddanka Badda ee Caalamiga ee Xeebaha Somalia lagu wareejiyaa.

Tan iyo wixii ka danbeeyay sandkii 2008-dii waxaa soo badanayay afduubyada ka dhaca xeebaha Soomaaliya, waxaa tan iyo xiligaas soo shaac baxay kooxo qowlaysato ah oo madax-furasho ka qaata dadka ay gacanta ku dhigaan, waxana xusid mudan in la sameeyay ciidamo heer caalami ah kuwaas oo ka howl gala biyaha Soomaaliya, howlgalka Ciiddanka Badda ee Caalamiga ee Xeebaha Somalia ayaa fadhigiisa ugu weyni waxaa uu yahay dalka Baxrayn.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories