HomeWararAgaasimihii Hay’adda CARE INTERNATIONAL u joogay Somalia oo la cayriyey kadib markim...

Agaasimihii Hay’adda CARE INTERNATIONAL u joogay Somalia oo la cayriyey kadib markim uu ..

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay in dalka uu isaga baxo agaasimihii hay’adda CARE USA ee dalka Iman Abdullahi, waxaana dowladda ay sheegtay in ay dalka uu  si deg deg ah uga baxo. Siihayaha wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa madaxa CARE Somalia waxaa uu eedeyay faragalin la xariirta siyaasadda dalka oo […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay in dalka uu isaga baxo agaasimihii hay’adda CARE USA ee dalka Iman Abdullahi, waxaana dowladda ay sheegtay in ay dalka uu  si deg deg ah uga baxo.

Siihayaha wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa madaxa CARE Somalia waxaa uu eedeyay faragalin la xariirta siyaasadda dalka oo sida la sheegay uu iska indha tirayo shuruucda dalka.

- Advertisement -

Warqad kasoo baxday Xafiiska wasiirka ayaa lagu sheegay in  madaxa CARE Somalia uu isku dayay olole uu ku wiiqeyo horumarka qeybta waxbarashada dalka oo qas ka dhex abuuray dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhigaggeeda, oo ay ku jiraan deeq bixiyayaasha iyo saaxibadeeda waxbarashada.

Sidoo kale waxaa warqadda lagu sheegay in uu isku dayday waxyeeleyn xiriirka ay dowladda la leedahay deeq bixiyayaasha iyo saaxiibadeeda kale.

Dowladda Soomaamliya ayaa horay waxaa ay u cayrisay  madax hay’ado caalami ah, waxaa Iman Abdullahi  ka horreeyay in dowladdu ay horay u cayrisay Ergeygii gaarka ahaa  QM Soomaaliya u qaabilsanaa Nicholas Haysom sanadkii 2018-kii.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories