HomeWararAfhayeen shaqadii looga ceyriyay hadal uu warbaahinta u sheegay

Afhayeen shaqadii looga ceyriyay hadal uu warbaahinta u sheegay

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Afhayeenka arrimaha dibadda Dowladda Sudaan Haidar Badawi ayaa shaqadiisii ku waayay hadal aysan dowladda dalkaasi la ogeyn oo uu warbaahinta la wadaagay, waxaana la sheegay in shaqada la ceyriyay. Haidar Badawi oo waraysi siiyay Sky News Arabia ayaa sheegay in wada hadal uu u socdo dowladda Sudaan iyo Yahuudda (Isra’iil) waxaana arrintaas ka dhashay hadal […]

- Advertisement -

Afhayeenka arrimaha dibadda Dowladda Sudaan Haidar Badawi ayaa shaqadiisii ku waayay hadal aysan dowladda dalkaasi la ogeyn oo uu warbaahinta la wadaagay, waxaana la sheegay in shaqada la ceyriyay.

Haidar Badawi oo waraysi siiyay Sky News Arabia ayaa sheegay in wada hadal uu u socdo dowladda Sudaan iyo Yahuudda (Isra’iil) waxaana arrintaas ka dhashay hadal heyn xooggan oo saameyn ballaaran ku yeeelatay qaybaha kala duwan ee bulshada dalkaasi.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay in dhawaan laga yaabo in xiriir wanaagsan uu u billowdo labada dhinaca, waxaana uu sheegay in meesha aty ka bixi doonto cadaawaddii u dhexeysay labadooda, wixii hadda ka danbeeyan ay yeelan doonaan wada shaqayn qoto dheer.

Sudaan ayaa hadal ka Afhayeenka ka xubaatay, waxaana ay si weyn kaga caraysay arrintaasi dhammaan shacabka dalkaasi, iyadoo tallaabadii kowaad ee ay qaadday ay noqotay in xilka laga xayuubiyo Haidar Badawi.

Warka uu faafiyay Haidar Badawi  waxaa wax kama jiraan ku tilaamay Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan, Omar Qamareddin, waxaana uu sheegay in aysan jirin xiriir ama wax wada hadal ah oo dhexmaray Sudaan iyo Isra’iil.

- Advertisement -

Waxaase xusid mudan in Yahuuddu ay soo dhaweysay hadalka Afhayeenka, iyadoo Ra’iisul wasaaraha Isra’iil uu si gaar ah isoo dhaweeyay hadalka kasoo yeedhay Haidar Badawi.

Horay Imaaraadka ayaa xiriir la yeeshay Isra’iil, waxaana arrintaas ka xumaaday dowlado badan oo carbeed iyo kuwa kale oo waddamada islaamka ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories