HomeCaalamkaMadaxweynihii Maali oo is Casilay iyo Ra’iisul Wasaarihii oo la xiray

Madaxweynihii Maali oo is Casilay iyo Ra’iisul Wasaarihii oo la xiray

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

Madaxwaynihii dalka Mali Ibrahim Boubacar Keïta ayaa iscasilay, ka dib markii ay xireen militariga dalkaasi Talaadadii, waxaa sidaasi sheegay telefishinka qaranka dalkaasi. Khudabad uu telefishinka ka jeediyay ayuu , Mr Keïta waxaa uu sheegay in sidoo kale uu kala diray baarlamaanka dalkaasi. “Waxaan doonayaa in uusan dhiig u daadin si aan awoodda u sii hayo,” […]

- Advertisement -

Madaxwaynihii dalka Mali Ibrahim Boubacar Keïta ayaa iscasilay, ka dib markii ay xireen militariga dalkaasi Talaadadii, waxaa sidaasi sheegay telefishinka qaranka dalkaasi.

Khudabad uu telefishinka ka jeediyay ayuu , Mr Keïta waxaa uu sheegay in sidoo kale uu kala diray baarlamaanka dalkaasi.

- Advertisement -

“Waxaan doonayaa in uusan dhiig u daadin si aan awoodda u sii hayo,” ayuu intaa ku daray.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa saacado uun ka dib markii isaga iyo rai’sul wasaarihi dalkaasi Boubou Cissé la xiray islamarkana la geeyay saldhig militari oo ku yaalla caasimadda Bamako.

Tallaabadda militariga ayaa waxaa cambaareeyay dalalka gobolka iyo dowladda Fransiiska .

- Advertisement -

Mr Keita ayaa ku guuleystay doorashadii Mali ka dhacday sanadkii 2018-kii, laakiin waxaa tan iyo markaas taagneyd caro ku saabsan musuqmaasuqa ka jira waddanka, maamul xumo dhinaca dhaqaalaha ah iyo xaaladda amni ee kasii dareysa.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno dalka Maali ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto dalkaas, isla markaana waddooyinka waaweyn ee Magaalada buux-dhaafiyeen Ciidamo farabadan oo ka tirsan Milateriga dalkaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories