HomeCaalamkaAfgembi ka dhacay dalka Maali iyo Wasiiro la xiray

Afgembi ka dhacay dalka Maali iyo Wasiiro la xiray

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Tacshiirad Xooggan ayaa waxaa waaberigii hore ee saakay laga maqlayey Degmada kati oo u dhow Caasimadda dalka Maali ee Bamako, sida laga soo xigtay Goobjoogayaal ku sugan halkaas.

Qaar ka tirsan dadka deggan Degmada Kati oo la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha waxay sheegeen inay saakay ku soo tooseen Rasaas ka dhacaysay Xero Milliteri oo 15-KM u jirta Qasriga Madaxtooyada ee dalkaasi.

- Advertisement -

Tiro Wasiiro iyo Saraakiil darajo sare ka haya dalka Maali ayaa la xiray inta uu socday Howlgalka Afgembiga ee ka dhacay Saldhigga Milliteri ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Bamako.

Mid ka mid ah Ilo-wareedyada la hadlay Wakaalladda Wararka Sputnik ee laga leeyahay dalka Raashiya waxay sheegeen inay Ciidanka Afgembiga waday ay gacanta ku dhigeen Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Tiebile Drame iyo Wasiirkii Maaliyadda, Abdoulaye Daffe.

Ciidanka gacanta ku dhigay Labada Wasiir waxaa la sheegay inay u kaxaysteen goob aan la aqoonin, waxaana sidoo kale la sheegay inay Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Dowladda ay isku gedaameen Caasimadda Bamoko, si ay uga hortagaan hadii uu Kacdoon Ciidan ka dhaco gudaha Magaaladda.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in al xiray dhamaan Dhismayaasha Dowladda iyo Safaaradaha, iyadoo Shaqaalaha lagu amray inay guryahooda aadan, si ay Dowladda heegan buuxda u gasho, haddii uu Isku-dayga Afgembiga sii ballaarto.

Wararka ugu dambeeyay ee ka imaanaya dalkaasi waxay sheegayaan in Madaxweynaha Maali  la geeyey goob ammaan ah, inakstoo aan Goobtaasi la shaacinin halka ay ku taallo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories