HomeWararMaamulka G/Banaadir oo balan qaad u sameeyay dadkii ku dhaawacmay Elite

Maamulka G/Banaadir oo balan qaad u sameeyay dadkii ku dhaawacmay Elite

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Kusimaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu qaaday Hotelka Elite. Guddoomiye Axmed Iimaan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dad shacab ah iyo Mas’uuliyiin ay ku geeriyoodeen weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka, […]

- Advertisement -

Kusimaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu qaaday Hotelka Elite.

Guddoomiye Axmed Iimaan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dad shacab ah iyo Mas’uuliyiin ay ku geeriyoodeen weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka, isagoo tacsi u diray dadkii halkaas ku dhintay, halka ku dhaawacmay uu Alle uga baryay Caafimaad.

- Advertisement -

Waxa  uu sheegay Axmed iimaan in laamaha amniga dowladda Federaalka ay soo afjareen weerarka oo qaaday muddo ku dhow 5 saacadood oo xiriir ah, isagoo u mahadceliyay Ciidankii ka qeyb qaatay howlgalka.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan ka niyad jebin weerarada ka dhacaya Muqdisho oo ay geysanayaan Al-shabaab, isagoo ku baaqay in laga wada qeyb qaato sugida amniga.

Ugu dambeyn Axmed Xasan Iimaan ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu Gurmad kala duwan u fidin doono dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmay weerarka, isla markaana ay garab istaagan yihiin Shacabkaas.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Hotelka Elite ee xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku geeriyooday 16 qof, halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories