HomeWararKusimaha Duqa Muqdisho oo Booqday dhaawacyada Weerarkii Hotel Elite

Kusimaha Duqa Muqdisho oo Booqday dhaawacyada Weerarkii Hotel Elite

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Kusimaha Duqa Caasimadda ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa Cisbitaalka Digfeer ku booqday qaar kamid ah dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Hotelka Elite ee xeebta Liido. Maamulka cusbitaalka Digfeer ayaa Guddoomiyaha uga warbixiyey xaalada dhaawacyada, iyaga oo sheegay in ay heleen adeeg wanaagsan ayna heegan […]

- Advertisement -

Kusimaha Duqa Caasimadda ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa Cisbitaalka Digfeer ku booqday qaar kamid ah dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Hotelka Elite ee xeebta Liido.

Maamulka cusbitaalka Digfeer ayaa Guddoomiyaha uga warbixiyey xaalada dhaawacyada, iyaga oo sheegay in ay heleen adeeg wanaagsan ayna heegan ugu jiraan latacaalidda xaaladooda.

- Advertisement -

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in dhaawacyada culus ee u baahan in ay helaan adeeg ka baxsan Dalka in ay gacan weyn ka geysanayaan qaadidooda ayna latashi la samayn doonaan Wasaaradda Caafimaadka.

“Maamulka Gobolku Asaga oo latashi la samaynaya Dhakhaatiirta aaxaa uu dhaawacyada culus ee u Baahan in ay helaan adeeg kabaxsan Dalka uu gacan weyn ka geysanayaa Qaadidooda” ayuu yiri Axmed Xasan Iimaan.

Dhinaca kale Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa hotelka Elite oo gelinkii dambe ee shalay lagu qaaday weerar ku bilowday qarax Ismiidaamin ah, waxaana halkaas ku dhintay 16 qof, halka 13 qofna ay ku dhaawacmeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories