HomeWararGuddoomiye Mursal oo ka hadlay Qaraxii uu ka badbaaday Wasiir Goodax

Guddoomiye Mursal oo ka hadlay Qaraxii uu ka badbaaday Wasiir Goodax

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyeeyay geerida muwaaddiniintii Soomaaliyeed ee shalay ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday Hotelka Elite ee Magaaladda Muqdisho. ‘’Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun, waxaan murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaskii iyo eheladii dadkii weerarkaasi Al-shabaab ku waxyeelloobay, Ilaahay […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyeeyay geerida muwaaddiniintii Soomaaliyeed ee shalay ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday Hotelka Elite ee Magaaladda Muqdisho.

‘’Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun, waxaan murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaskii iyo eheladii dadkii weerarkaasi Al-shabaab ku waxyeelloobay, Ilaahay naxriistii janno haka waraabiyo, kuwii ku dhaawacmayna waxaan Alle uga baryayaa bogsiimo deg-deg ah’’ ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Ciidamada amaanka ku amaanay sida naf hurnimada leh ee ay usoo badbaadiyeen dadkii dhismaha Hotelka ku go’doomay ,sidoo kalena ay usoo afjareen dhagar qabayaashii weerarka ka dambeeyay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa cambaareeyay qarax Miinado lala eegtay kolonyo uu la socday sii hayaha xilka Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, xilli uu marayay inta u dhaxeysa Beled-Xaawo iyo Doolow , qaraxaas oo uu wasiirku ka badbaaday balse ay dhaawacyo ka soo gaareen mudanayaal ka tirsan Xildhibaannadda Golaha Shacabka,wuxuuna Guddoomiye Mursal  uu caafimaad deg-deg ah u rajeeyay Xildhibaannada qaraxaas ku dhaawacmay.

Ugu dambeyn waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan oo ay la shaqeeyaan Ciidamada Qaranka si looga hortego weerarada xiliyada qaarkood ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories