HomeWararGuddiga Doorashooyinka oo Maanta diiwaan-geliyay xisbiyo badan

Guddiga Doorashooyinka oo Maanta diiwaan-geliyay xisbiyo badan

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shahaadooyinka KMG gudoonsiiyay 10 xisbi oo ku biiriya xisbiyadii Guddiga Doorashooyinka uu horey u diwaangaliyay. Xisbiyadaan cusub ee la diiwaan geliyay ayaa kala ah: Xisbiga Wadaniga ee Israac, Xisbiga Isbedelka Dimoqraadiga ah, Xisbiga Hayaan, Xisbiga Dhulka Hooyo, Xisbiga Dhalinyarada Soomaaliyeed, Xisbiga Siyaasadeedka Hogaanshe, Xisbiga Astaan Qaran, Xisbiga Nabadda […]

- Advertisement -

Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shahaadooyinka KMG gudoonsiiyay 10 xisbi oo ku biiriya xisbiyadii Guddiga Doorashooyinka uu horey u diwaangaliyay.

Xisbiyadaan cusub ee la diiwaan geliyay ayaa kala ah: Xisbiga Wadaniga ee Israac, Xisbiga Isbedelka Dimoqraadiga ah, Xisbiga Hayaan, Xisbiga Dhulka Hooyo, Xisbiga Dhalinyarada Soomaaliyeed, Xisbiga Siyaasadeedka Hogaanshe, Xisbiga Astaan Qaran, Xisbiga Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka Soomaaliyeed, Xisbiga Dib-u-heshiinta iyo Horumarinta iyo Xisbiga Runta iyo Caddaaladda.

- Advertisement -

Diiwaan-geliyaha Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada ee GMDQ Maxamed Cumar Axmed Haydara oo munaasabada ka hadlay ayaa ku ammaanay masuuliyiinta xisbiyada dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya uga dhaci lahayd doorasho xalaal ah, waxuuna kula dar daarmay in ay u diyaar garoobaan qaadashada shahaadada diiwaangelinta rasmiga oo ah tan doorashada lagu geli doono.

Dhinaca kale gudoomiyeyaasha xisbiyada ayaa ka mahad-celiyey sidii hufneyd ee uu GMDQ ula shaqeeyey intii ay ku guda jireen diyaarinta hawlaha is-diiwaan-gelinta ee maanta u qabsoontay.

Kumushineer Xuseen Cabdi Aadan oo munaasabada so xiray ayaa masuuliyiinta Xisbiyada kula dardaarmay inay ilaaliyaan shuruucda xisbiyada u yaala si loo gaaro hadafka ah in dalka doorasho dimoqraadi ah ka dhacdo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories