HomeWararCC Shakuur oo war kasoo saaray weerarkii lagu qaaday hotel Elite

CC Shakuur oo war kasoo saaray weerarkii lagu qaaday hotel Elite

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa u tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday qarax galabta lagu weeraray Hoteel Elite oo ku yaalla Xeebta Liido ee degmada Cabdi Casiis ee Gobalkani Banaadir. Waxaa uu sheegay in hay’adaha ammaanka ay ku guuldarraysteen sugidda amniga Caasimadda, NISA ayuu sheegay in ay tahay Hay’ad fashilantay. “Waxaan si xooggan u canbaaraynayaa […]

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa u tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday qarax galabta lagu weeraray Hoteel Elite oo ku yaalla Xeebta Liido ee degmada Cabdi Casiis ee Gobalkani Banaadir.

Waxaa uu sheegay in hay’adaha ammaanka ay ku guuldarraysteen sugidda amniga Caasimadda, NISA ayuu sheegay in ay tahay Hay’ad fashilantay.

- Advertisement -

“Waxaan si xooggan u canbaaraynayaa weerarka ay kooxda  Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Elite. Allaha u naxariisto dadkii ku nafwaayey, Allahana caafiyo intii ku dhaawacantay. Maalmahan danbe weerarrada iyo qaraxyada aAl-shabaab way sii kordhayaan. Way cadahay fashilka hay’adda NISA iyo xil gudasho la’aanta taliska hay’adda. Haddaba, waxaan ka dalbaneynaa Madaxweynaha in uu dib u habeyn dhinaca hoggaanka ah ku sameeyo NISA, danta shacabka ka hormariyo danta saaxibtinnimo ee kala dhaxaysa taliyaha NISA” ayuu yiri CC Shakuur.

Qaraxii galabta ka dhacay aga-gaarka xeebta Liido ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la sheegay in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 15 ruux halka dhaawacuna uu kor u dhaafay 30 ruux.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories