HomeCaalamkaMareykanka oo gacanta ku dhigay Maraakiib ay leedahay Dowlad

Mareykanka oo gacanta ku dhigay Maraakiib ay leedahay Dowlad

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay la wareegtay 4 markab oo sida Shidaal laga leeyahay Iiran islamarkana ku sii jeeday dalka Venezuela. Waaa shixnaddii ugu ballaarnayd oo shidaal ah oo ay Mareykanka gacanta ku dhigaan. Ku dhawaad 1.1 milyan oo fuusto oo shidaal ah ayaa gacanta lagu dhigay iyada oo gacan laga helayo “wadamo saaxibo […]

- Advertisement -

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay la wareegtay 4 markab oo sida Shidaal laga leeyahay Iiran islamarkana ku sii jeeday dalka Venezuela.

Waaa shixnaddii ugu ballaarnayd oo shidaal ah oo ay Mareykanka gacanta ku dhigaan.

- Advertisement -

Ku dhawaad 1.1 milyan oo fuusto oo shidaal ah ayaa gacanta lagu dhigay iyada oo gacan laga helayo “wadamo saaxibo la ah Mareykanka “, sida ay sheegtay wasaaardda caddaaladda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Maraakiibtan ay jabiyeen cunaqabataynta Mareykanka ay Iiran ku soo rogeen.

Safiirka Iran u fadhiya dalka Venezuela ayaa sheegay in aysan jirin maraakiib shidaal sidda oo ay Iiran leedahay oo gacanta lagu dhigay.

- Advertisement -

Garsoore ku sugan Mareykan ayaa soo saaray warqadda lagu soo qabtay shixnadan shidaal ee saarneyd afarta Markab ka dib markii ay dowladda Mareykanka kiis u gudbisay maxkamada bishii aanu soo dhaafnay.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda cadaaladda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay “in ay ku guuleysteen gacan ku dhigidda “shidaal malaayiin doolar ah oo ay leeyihiin ilaalada kacaanka Iiraan”. Ciidamada ilaalada kacaanka Iraan ayaa ah laan ka tirsan ciidamada Iran kuwaasi oo ay Mareykanka u aqoonsan yihiin in ay yihiin urur argagixiso.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories