HomeWararWaare oo  war kasoo saaray shirka Dhuusamareeb

Waare oo  war kasoo saaray shirka Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay shirka lagu ballansan yahay  in dhawaan uu ka furmo Mgalaada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug. Waxaa uu sheegay ware in dhammaan dhinacyada ka qayb galaya shirka ay u diyaar garowaan sidii ay uga qaby qaadan laahayeen shirka, waxaana madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxda dowladda federaalka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay shirka lagu ballansan yahay  in dhawaan uu ka furmo Mgalaada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay ware in dhammaan dhinacyada ka qayb galaya shirka ay u diyaar garowaan sidii ay uga qaby qaadan laahayeen shirka, waxaana madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya uu ugu baaqay in shirka uusan baaqan.

- Advertisement -

waxaa uu ka digay in shirkaas uu qabsoomi waayo, haddii shirkaasi la baajiyo ayuu sheegay in ay noqon doonto Nasiib darro umadda Soomaaliyeed u soo hoyetay, waxaana ka dhalan doona ayuu yiri “in waddamo shisheeye ay ina soo faragaliyaan”.

Guddiga ku howlan qaban-qaabada shirka ayuu ku bogaadiyay shaqada ay hayaan, waxaana uu ka rajeeyay Waare shirka Dhuusameerb3 in uu sidii horay loogu heshiiyay uu u qabsoomi doono.

Wali waxaa taagan cabsida laga qabo in uu baaqdo shirka loogu ballansanaa in uu ka dhaco magaalad Dhuusamreeb ee xarunta Maamulka Galmudug, dhinacyo ay ka mid yihiin maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa lagu la sheegay in aysan shirkaas ka qayb galayn, kuwaas oo sida la sheegay ka biya diidsan arrimo ay ka mid yihiin xil ka qaadistii Xasan Cali Kheyre.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories