HomeWararFaah-faahino: Qaraxyo ka dhacay Magalada Muqdisho

Faah-faahino: Qaraxyo ka dhacay Magalada Muqdisho

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Waxaa xalay siyaabo kala duwan qaraxyo ay uga dheceen  qaar ka mid ah degmooyinka Gobolkani Banaadir, waxaana la sheegay in qaraxyadaas ay ka dhasheen khasaare  kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan Dowladda. Jugta qaraxyada ayaa xalay laga maqlay xaafadaha iyo degmooyinka Magaalada muqdisho, waxaana tan iyo xalay soo baxayay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa xalay siyaabo kala duwan qaraxyo ay uga dheceen  qaar ka mid ah degmooyinka Gobolkani Banaadir, waxaana la sheegay in qaraxyadaas ay ka dhasheen khasaare  kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan Dowladda.

Jugta qaraxyada ayaa xalay laga maqlay xaafadaha iyo degmooyinka Magaalada muqdisho, waxaana tan iyo xalay soo baxayay warar kala duwan oo la xariira jugta xalay laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Waxaa la sheegay in ku dhawaad 10 xaruumood xalay la weeraray oo ka tirsan Gobolka, goobaha la weeraray ayaa ah xaruumaha degmooyin iyo kontorolada ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka.

Afhayeenka Gobalka Banaaadir Saalax Xasan Cumar ayaa xaqiijiyay in xalay 10 xaruumood lagu weeraray bam gacmeedyo, waxaana ka mid ah goobaha la weeraray xarunta degmada Dherkeenlay, xarunta degmada Wadajir,xarunta degmada Waaberi iyo xarunta degmada kaaraan.

Sidoo kale Saalax Xasan Cumar waxaa uu sheegay in xalay  Bam gacmeedyo lagu tuuray waaxyada degmooyin ay ka mid yihiin Deyniile, Shibis, Boondheere, Yaaqshid, Kaaraan iyo xarunta Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay in ay jiraan  khaasare ka dhashay qaraxyadaasn isagoo sheegay in afar qof ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo seddex ka mid ah ay yihiin dad shacab ah halka midka kalena uu yahay Askari ka tirsan ciidanka dowladda, balse waxaa jira warar kale oo sheegaya in khaasaruhu uu intaas ka badan yahay.

Ciidanka Booliska ayaa qaraxyada ka dib waxaa ay sameeyeen howlgalo waxaana uu sheegay Afhayeenku in la qabtay labo ruux oo looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen falalka xalay muqdisho ka dhacay.

Qaraxyada ka dhacaya magaalada muqdisho ayaa maal-mahan soo badanaya waxaana xusid mudan in habeen ka hor qarax uu ka dhacay degmada Waaberi kaasoo ay sheegteen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts