HomeWararQoorqoor oo kulan la qaatay Guddiga ka baaraan degaya Doorashada dalka

Qoorqoor oo kulan la qaatay Guddiga ka baaraan degaya Doorashada dalka

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta oo Arbaco dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga. Madaxweynaha Galmudug ayaa durbo markii uu soo gaaray Caasimadda dalka kulan la qaatay qaar kamid ah Guddiga farsamada ee ka Baaraan-degaya hanaanka iyo habsami u socda […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta oo Arbaco dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga.

Madaxweynaha Galmudug ayaa durbo markii uu soo gaaray Caasimadda dalka kulan la qaatay qaar kamid ah Guddiga farsamada ee ka Baaraan-degaya hanaanka iyo habsami u socda doorashooyinka dalka.

- Advertisement -

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Guddiga uga mahadceliyay shaqooyinka loo idmaday, isagoo sheegay in Guddiga uu yahay mid muhiim u ah bulshada Soomaaliya, maadaama laga sugayo  talo weyn oo ku aadan doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

Isaga oo sii hadlaayay Qoorqoor ayuu Guddiga kula dardarmaay inay sii wadaan shaqooyinka adeg ay hayaan, isla markaana waxaa uu xusay inay diyaar tahay gogosha wejiga 3-aad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb.

Guddiga uu kulanka la qaatay Madaxweyne Qooqroor ayaa waxaa ka maqnaa xubnihii maamulada Puntland iyo Puntland ugu jiray Guddiga oo horey ay u soo magacaabeen, iyagoo weli aan soo gaarin Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Si kastaba 15-ka Bishaan Agoosto ayaa la filayaa in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in wejiga 3-aad ee Shirka wadashiga ah ku yeeshaan Magaalada Dhuusamareeb, mana jiro weli diyaar garoow ku aadan shirkaas oo socda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories